Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Marxuumad Haajira Cali Aadan oo aas Qaran loo sameeyey & Khayre oo ka qeyb galay (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiiradda ayaa ka qeyb galay aas Qaran oo maanta Magaalada Baydhabo loogu sameeyay marxuumad Haajira Cali Aadan oo aheyd Hooyadda dhashay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mohamed Mursal Shiikh C/raxmaan.

Sidoo Kale, Waxaa goob-joog ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed, Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur galbeed,  wasiiro iyo odayaal dhaqameedyadda Magaalada iyo dheladda Marxuum Maama Haajira.

Aaska ka dib mas’uuliyiinta, waxgaradka, odayaasha dhaqanka, iyo culimadii ka qeybgashay waxaa kulan duco ah loogu sameeyay madal loogu tala galay dadkii ka soo qeyb galay Duugta marxuumad Maama Haajira, waxayna  ALLE uga baryeen inuu Janatull-fardawsa ka Waraabiyo

Marxuumada ayaa shalay magaaladda Baydhabo Ku geeriyootay Waxaan maanta Axad ah aas Qaran Loogu sameeyay isla Magaaladda Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

C/QAADIR NUUNE “Aragtideyda, FSAN ahaan waxaan u baahanahay in na lala xisaabtamo, waana waajib saaran ururada”

admin

Dowlada Itoobiya oo amar cusub siisay Ciidamadeeda dagaalka kula jira Tigrey

Cabdi Cade

(Sawirro) Taiwan oo Xafiis diblomaasi oo rasmi ah oo ka furatay Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---