Dowlada Itoobiya oo amar cusub siisay Ciidamadeeda dagaalka kula jira Tigrey

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa guulo wax ku ool ah ka gaaray dagaalka ay kula jiraan ciidamada TPLF , waxa ayna ciidamada federaalka dib ula wareegeen magaalooyin iyo deegaano badan oo kuyaala gobolada Canfarta iyo Amxaaro oo horey u qabsadeen TPLF.

Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Demeqe Makonnin , ayaa sheegay in ciidamada federaalka amar lagu siiyay in aysan gudaha u galin deegaanada gobolka Tigrey.

Demeqe Makonnin, ayaa sheegay in go’aankan dowlada u gaartay si loo helo xal aan dagaal aheyn oo lagu soo afjaro colaada, waxa uuna cadeeyay in dowlada hada kasoo baxday kaalinteeda lagana dhursugayo dhinaca falaagadda Tigrey.

Go’aankan kasoo baxay dowlada federaalka Itoobiya ayaa si weyn looga soo dhaweeyay gudaha Itoobiya, waxa ayna dadka qaar tilmaameen in xiligan loo baahan yahay in la gaaro xal aan dagaal aheyn.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF ayaa galaaftyay nolosha dad aad u badan, waxaana dagaalkan uu sababay barakac xoogan iyo bur bur ku yimid magaalooyin dhoor ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -