Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

(Sawirro) Taiwan oo Xafiis diblomaasi oo rasmi ah oo ka furatay Somaliland

Maamulka Jasiirada Taiwan oo sheegta iney yihiin dal ka go’ay Shiinaha ayaa xafiis diblomaasiyadeed ka furtay magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland.

Furitaanka xafiiska ayaa saaka ka dhacay magaalada Hargeysa iyado ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, iyo xubno ka socday Taiwan.

Wasiirka arrimaha dibadda Taiwan Jesoph Wu ayaa khadka Internetka uga qeyb galay xafladda oo lagu qabtay dhismaha xafiiska cusub ee Taiwan.

Taiwan iyo Somaliland oo ah laba maamul oo aan la aqoonsan ayaa isu soo dhowaaday muddooyinkii danbe waxaana mid waliba uu wakiil diblomaasi u magacaabay dhinaca kale inuu u metelo.

Shiinaha ayaa si weyn uga carooday arrintan, inkastoo wafdi ka socda Shiinaha oo tegay Somaliland ay ku guul dareysteen iney joojiyaan xiriirkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Carbeed oo qabaneysa Doorasho Madaxweyne oo natiijadeeda lasii ogyahay

Cabdi Cade

Faahfaahin: Nin qarax ka geystay Magaalada Muqdisho oo toogasho lagu dilay

Caydiid Ali

Trump oo shaaca ka qaaday in Weerarkii ugu xumaa ee abid lagu soo qaaday Mareykanka 

Cabdi Cade