Qaar kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo Kismaayo gaaray (Daawo Sawirada)

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa maanta gaaray si weyna loogu soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada  Hirshabelle iyo Galmudug.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa Madaxdan uga hortagay kuna soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno kale oo katirsan maamulka Jubbaland.

Madaxweynaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Kismaayo oo la filayo in beri ka furmo shir ay yeelanayaan Madaxda maamulka Goboleedyada dalka.

Saacadaha soo aadan ayaa sidoo kale la filayaa in magaalada Kismaayo gaaraan Madaxda maamulada Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana Kismaayo ka socota qaban qaabo lagu soo dhaweenayo.

Shirka beri ka furmaya magaalada Kismaayo ayaa diirada lagu saari doonaa khilaafka Dowlada Dhaxe iyo Maamulka Jubbaland iyo sidoo kale Tuhuno maamulada kale qaarkood ka qabaan in faragalin ku heyso dowlada Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -