Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Sidee C/wali Gaas & Wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Kismaayo? (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboledka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu Hogaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo.

Gaas ayaa Waxa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyay Madaxweyne Ahmed Maxamed Islaam,  Ku-xigeenkiisa Suldaan Abdiqadir Xaaji, Golaha wasiirada, Xildhibanada Jubbaland iyo dhamaan qeybaha bulshada Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka Mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo.

Waxaa uu sheegay inay Kismaayo u yimadeen ka qeyb galka shirka madaxda dowlad goboleedyada Soomaalida uga furmaya magaalada Kismaayo maalinta beri ah.

Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa saaka gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo madaxweynana Koonfur Galbeed oo ugu dambeeya la filayo inuu saacadaha soo socda ku biiro madaxda isugu tagtay Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf Xoogan oo ka dhax qarxay Madaxweyne Farmaajo iyo Cali Guudlaawe !!

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo sheegtay iney Muqdisho ku dileen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada & Booliska

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo maanta lagu fuliyay ninkii dilay Korneel Maxamuud Cali Xade (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---