Soomaaliya oo gaashaanka ku dhufatay Qaraar ka dhan ah dalka Sudan

47-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM (UN Human Rights Council) waxay yeesheen Kulan looga hadlayey Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee dalka Sudan oo ay dagaallada ka socdaan.

Kulankaasi waxaa Codka Kalsoonida loogu qaaday ballaarinta Baaritaanada Awoodaha ee Hawlaha Khubarada QM ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee dalkaasi, iyadoo xitaa la barayo Tacadiyada ay geysanayaan Ciiddanka Dowladda Sudan (Defense Army Forces (DAF) iyo Ciiddanka kale ee lagu magacaabo Ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF.

Guddiga Khubarada QM ee Tacadiyada Xuquuqda Aadanaha ee ka dhacay dalkaasi ayaa waxaa la soo jeediyey inay Warbixino ka keenaan dhamaan Baaritaanada dhacdooyinka gaboodfalka ee ka dhacay dalka Sudan tan iyo bishii October 25-dii ee sanadkii 2021-kii.

Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM waxay Kulankooda cod ugu qaadeen Ansixinta Awoodaha cusub ee Khubarada Caalamiga ee barayo Tacadiyada ka dhanka Xuquuqda Aadanaha ee ka dhacay dalkaasi.

18 Waddan ayaa Taageeray Qaraarkaasi, halka ay 15 dal ay gaashaanka ku dhufteen, iyadoo 14 Waddan oo u badnaa dalal Afrikaan iyo kuwo Carbeed ay diideen Qaraarkaasi, ama ay ka maqnaayeen Madasha Dhexe ee Golaha QM ee Xuquuqda Aadanaha ee magaallada Geneva ee dalka Switzerland.

Waddankeena Somalia waxa uu ka mid yahay dalalka ka biyo diiday Codeyntaasi ka dhanka ah dalka Sudan, iyadoo ay dalalka xubnaha ka ah Urur-gobaleedka GAD ku baaqeen in Arrinta dalka Sudan looga dambeeyo Jadwalka Shaqo ee Ururka Midowga Afrika oo haatan qeyb ka ah Hawlaha Nabadda ee dalka Sudan.

Dhanka kale, Ku-Xigeenka Wakiilka Joogtada ee Dalka Ivory Coast (Côte d’Ivoire) u jooga Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda Geneva, Allou Lambert Yao oo ku hadlayey magaca Kooxda dalalka Afrika u jooga Golaha QM ee Xuquuqda Aadanaha ayaa ku baaqay in la Taageero in Xalinta Africa inay tahay Xalinta Mashaakil u gaarka ah Afrikaanka.

W/Q Ustaad Nuuradiin Abuukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -