Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin Geeriyooday oo loo doortay in uu noqdo Duq magaalo iyo Sababta keentay !!

Warbaahinta caalamka kuwooda ugu afka dheer ayaa si weyn u hadal haya Duq magaalo oo geeriyooday maalmo kahor inta aan la shaacin guul weyn uu ka gaaray doorasho uu mar kale ugu tartamayay xilka Duqa magaalada .

Ion Aliman oo ahaa Duqa magaalada Deveselu oo ku taalla Koonfurta Romaaniya ayaa maalmo kahor u geeriyooday Cudurka Caronavirus, waxaana Aliman hada la shaaciyay in uu mar kale ku guuleestay in uu kusoo laabto kursigiisa Duqa magaalada.

Mas’uuliyiinta doorashada dalka Roomaaniya waxay sheegeen Duqa magaalada oo aan nooleyn in markale la doorto iney keentay sawirradi ololaha doorashada u ku galay oo magalada sidooda ugu dhajisan oo aan la qaadin geeridiisa kaddib .

Guddiga Doorashada ayaa shaaciyay Ion Aliman doorashadii uu ka qeyb galay ku guuleestay isagoona helay 64% codadkii la dhiibtay, waxa ayna guushan hadal heyn badan ka dhalisay dalka Roomaaniya gaar ahaan magaaladii uu duqa ka ahaa Aliman.

Sida ay u sheegeen Wakaalada Wararka Reuters guddiga doorashada waxa ay ku qasbanaadeen in mar kale doorashada duqa magaalada qabtaan kadib markii ay ogaadeen in uu geeriyooday ninkii ku guuleestay doorashada.

Dad badan oo kamid ahaa taageerayaasha Duqa magaalada ee geeriyooday ayaa booqday goobta lagu aasay si ay ixtiraam ugu muujiyaan, waxa ayna sheegeen in ay ka naxeen geeridiisa hadana ku faraxsan yihiin in uu guuleestay isaga oon nooleen.

“Wuxuu inoo ahaa Maayar aad u wanaagsan, wuxuu garab u ahaa magaalada oo dhan, wuxuuna ixtiraami jiray sharciga. Uma maleynayo inaan heli doonno maayar isaga la mid ah” ayey tiri haweeney kamid aheyd taageerayaasha Ion.

Guushan uu gaaray musharax geeriyooday ayaana hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada iyo Warbaahinta, waxa ayna inta badan dadku isku raaceen in Duqan magaalo ahaa nin ay jeclaayeen dadka kunool magaaladii uu Duqa ka ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Beesha caalamka oo War ka soo saartay doorashada iyo xaalada Siyaasadeed ee dalka

Caydiid Ali

Dayuurada Droneska ee (Bayraktar TP-2) oo lagu arkay hawada Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Axmed Madoobe oo ilaaladii ugu badneyd u dirsaday Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---