Allbanaadir.com
NEWS

Nin weerar qarax ka geestay Muqdisho iyo haween la shaqeenayay oo la qabtay

Ciidamada ammaanka ayaa saakay gacanta kusoo dhigay nin la sheegay in qarax bambaano ku weeraray goob ay degmada Hodan kaga sugnaayeen ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay ninkan oo la sheegay in uu katirsan yahay Al Shabaab ayaa bambaano ku tuuray fariisin ciidanka kaga sugnaayeen xaafada jaamacadaha, waxaana ninkan oo orday eryaday ciidamo katirsan dowladda oo gacanta kusoo dhigay.

Ciidamada ayaa markii gacanta kusoo dhigeen ninkan wareysi ay ka qaadeen ku helay xogta labo haween ah oo ninkan weerarka kala shaqeeyay, ciidamada ayaana haweenkaasi kasoo qabtay xaafada Haanta Dheer ee degmada Hodan.

Saraakiil katirsan laamaha ammaanka oo warbaahinta si hoose ula hadlay ayaa sheegay ninka bambaanada tuuray iyo haweenka caawiyay xabsiga la dhigay, waxa ayna xuseen in baaritaano lagu wado lana horgeyn doono caddaaladda.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada ka howlgala ciidamo cusub oo laga keenay dalka Uganda, kuwaa oo qeyb weyn ka qaatay xasilinta caasimadda Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Dalacsiiyay Ciidamo ka shaqeeyay Nabad gelyada Gobol katirsan Puntland

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Gaari qaali ah siiyay Gabar Gedo uga timid in Tartan Qur’aan akhris ka qeyb gasho (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Kooxdii ku guuleysatay Ciyaaraha gobolada Puntland oo Muqdisho soo gaartay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---