Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Amniga DF iyo Maxamuud Sayid Aadan oo kawada hadlay arrinta Gedo (Sawirro)

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Doodishe ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Kulankan oo ay Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinayeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo golaha Wakiilada Jubbaland ayaa lagaga hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo Maxamuud Sayid Aadan ayaa isla gartay in si deg deg ah xal looga gaaro khilaafka ka taagan gobolka Gedo, waxa ayna labada dhinac u ballameen in ay isugu yimaadana shirar kale oo arrintan xal loogu raadinayo.

Gobolka Gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland waxaa hadda ka dhisan maamul ka madax bannaan maamulkaasi, kuwaa uu horey u dhisay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo Shaacisay in howlgalo lagu khaarijiyay 30-xubnood oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Madaxweynaha Jubbaland oo goordhaw ka dhoofay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Duq Magaalo oo la dagaallami jiray Dembiya oo markan isaga dembi loo heesto !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---