Madaxweynaha Jubbaland oo goordhaw ka dhoofay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo caasimada u joogay ka qeyb galka shirka golaha Wadatashiga.

Madaxweynaha Jubbaland ayaana dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, waxaana Kismaayo ugu diyaarsan masuuliyiin iyo dadweyne badan oo soo dhaweenaya.

Shirka golaha Wadatashiga qaran oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyay maalintii Isniinta, waxaana shirkaasi kasoo baxay qodobo ay ugu muhiimsan yihiin dardagelinta doorashada iyo habraaceeda.

Madaxda kale ee dowlad goboleedyada oo iyana ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in ay dib ugu laabtaan deegaanadooda si ay u guda galaan bilaabista doorashada golaha shacabka oo hakad ku jirtay maalmihii lasoo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -