Allbanaadir.com
NEWS

Duq Magaalo oo la dagaallami jiray Dembiya oo markan isaga dembi loo heesto !

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa tabinaysa in duqa magaalada New York oo caan ku ahaa la dagaallanka fal-dembiyeedyada dhaca, markan isaga dembi lagu soo oogay lana soo taagay maxkamad qaadeysa kiis dacwadeed loo heesto.

Duqa magaalada New York, Eric Adams, ayaa lasoo taagay maxkamada iyada oo loo heesto in uu qaatay lacag laaluush ah, waxaa sidoo kale loo heestaa wax is daba marin iyo ku lug lahaanshaha olole deeq oo dibadda ka timid oo sharci-darro ah.

Dacwaddan loo heesto duqa magaalada New York ayaa waxaa kamid ah in  uu dalbaday uuna oggolaaday deeq sharci-darro ah oo olole uu ku galay iyo ilaa $100,000 (£75,000) oo lacag safar uu ku galay oo uga timid rag ganacsatada oo Turkiga kasoo jeeda.

Ninkan hadda dacwada lagu soo oogay ayaa saddex sanno kahor loo doortay duqa magaalada ugu dadka badan Mareykanka ee New York, waxa uuna horey ninkan u ballanqaaday in uu la dagaallami doono fal-dembiyeedyada nuucyadooda kala duwan.

Duqa magaalada New York Eric Adams , ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxa uu sidoo kale dhagaha ka fureestay baaqyada ku aadan in uu xilka iska casilo, waxaana xusid mudan haddii dambiyada loo heesto duqa New York lagu helo in uu muteysan karo xabsi dheer oo gaaraya 45 sano oo xabsi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo ansixisay lacagta miisaaniyadda sannadka soo socda oo gaareysa….

Cabdi Cade

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay Woqooyiga Gaalkacyo

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay Howlgal qorsheesan oo lagu dilay 40 xubnood oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---