Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay in howlgalo lagu khaarijiyay 30-xubnood oo katirsan Al Shabaab

Hawlgallo ay fuliyeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibbada caalamka oo ka dhacay deegaano hoostaga magaalooyinka Wabxo iyo Ceel-garas ayaa lagu dilay 30-xubnood oo katirsan dagaallamayaasha Al Shabaab.

War kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in hawlgalladan oo lagu beegsaday meelo ay si qarsoodi ah isugu uruursanayeen Al Shabaab, sidoo kale lagu burburiyay qaraxyo iyo saanado kale oo ciidan oo ay diyaarinayeen kooxdan.

Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa diyaaradaha dagaalka saaxiibada caalamka ayaa maalmihii lasoo dhaafay beegsaday saraakiil iyo dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ,kuwaa oo inta badan lagu beegsaday gobolka Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciro oo soo bandhigay waxqabadkiisa 100-ka Maalmood (Sawirro)

Caydiid Ali

Israa’iil oo duqeymo aargoosi ah ka fulisey Koonfurta Lubnaan & Magaalada Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Musharax Khayre Muxuu ku tilmaamay kaalinta haweenka Soomaaliyeed?

admin
Taboola Ads ---