Madaxweynaha cusub ee DDSI oo ka hadlay sida uu ula dhaqmayo dadka mucaaradsan

Madaxweynaha cusub ee dawlad Degaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa sheegay inuu ku dadaalayo qancinta qof kasta oo mucaaradsan maamulkiisa

Waxaa uu intaa ku daray in haddii ay taasi suuragali wayso aan cidna loo qabsanaynin iney isaga wax ka sheegto ama mucaarado.

“Dadku inay cawdaan, cagajugleeyaan, car wakaase yidhaahdaan waa wax ilaahay lagu mahadiyo iyo xoriyad inoo soo korodhay. Waa bilawgii hanaanka dimooqraadiyadda ee aynu u oomaneyn, waan ku dadaalaynaa inaan qancino dadkoo dhan laakiin cidaan qancin kari wayno layn mayno, xirinna maynee waan ogolaanaynaa inay na xagxagato” ayuu yiri Madaxweynaha oo barta uu Facebook ku leeyahay ku soo qoray hadalkan.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay caasimadda Jigjiga iyo deegaanno kalaba ay ka socdaan shirar iyo kulamo ay qabaa’illadu uga arrinsanayaan sidii ay uga dhex muuqaan lahaayeen xukuumadda cusub ulana jaanqaadi lahaayeen isbedelka socda.

Waxaa jira walaac laga qabo in dadka qaar ay xoriyadda hadalka u isticmaalaan si aan munaasab ahayn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -