Xaflad iskugu jirtay sagootin & shahaado bixin oo Jaamacadda Banaadir lagu qabtay (Sawirro)

Maamulka Jaamacadda Benaadir ayaa Magaalada Muqdisho xaflad sagootin ah ugu qabtay Macalimiin marti u ahaa oo ka yimid Jaamacadda caalamiga ah ee Afrika (International University oo Africa) ee dalka Sudan kuwaasoo muddo bil ah ku sugnaa dalka.

Macalimiintan ayaa mudadii ay joogeen dalka duruus taxane ah ka bixinayey qeybta Waxbarashada sare ee Jaamacadda Benadir (Master degree) taqasuska shareecada iyo Qaanuunka, iyadoo arintani ay ka dambeysay heshiis iskaashi oo Saddex sano ka hor ay kala saxiixdeen Jaamacadaha Benadir iyo International University oo Africa, waxaana shahaadooyin la gudoonsiiyey Dufcadii koowaad ee ka soo baxday taqasuskan oo gaaraya 14 arday.

Sidoo kale Macalimiintan ayaa soo gebagebeeyey seminaar labo cisho socday oo ay u qabteen 70 xubnood oo ka mid ah garsoorayaasha ka howlgala Maxkamadaha dalka iyo dad kale oo daneynayey iney ka faaā€™ideystaan seminaarkan.

Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada Benadir ahna hormuudka Kuliyadda Shareecada & Qaanuunka Dr. Cabdiraxmaan Xasan Cumar ayaa faahfaahin ka bixiyey dadaalka ay Jaamacaddu u gashay sidii dalka looga hirgelin lahaa taqasuska Shareecada iyo Qaanuunka, iyadoo la kaashaneysa Jaamacadda caalamiga ah ee Afrika, isagoo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faaideystaan fursadan qaaliga ah.

Dr. Mohamed Axmed Xaaji oo ah Xiriiriyaha barnaamijka Waxbarashada sare ee labada Jaamacadood ayaa u mahad celiyey macalimiinta ka timid Sudan iyo aqoonyahannadii ka faaā€™iidaystay duruusta, wuxuuna xusay in taqasuska shareecada iyo Qaanuunka ee labada Jaamacadood iska kaashanayaan si weyn looga faaiideystay, guul weyna laga gaaray.

Macalimiinta ka yimid dalka Sudan oo lagu kala magacaabo Dr. Ahmed Ismacil Omar, Dr, Alsheikh Xumeydi Alfakki iyo Dr. Mohamed Alfatix Aljazuuli oo iyana ka hadlay xafladdan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin muddadii ay dalka joogeen iyo sida walaalnimada leh ee loo soo dhoweeyey, waxayna si wayn u ammaaneen ardaydii ka faaiidaysatay duruusta ay bixiyeen oo ay sheegeen inay yihiin kuwo dedaal badan oo u soo jeeda iney dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan.

ā€œJaamacadda caalamiga ah ee Afrika iyo Jaamacada Benadir waxaa ka dhexeeya xiriir aad u qoto dheer iyo iskaashi dhinaca waxbarashada ah, waxaan rajaynaynaa in sanadaha soo socda uu sii xoogeystoā€ ayuu yiri Dr. Ahmed Ismacil Omar ka mid ah Macalimiinta ka yimid dalka Sudan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Prof/Dr. Maxamed Maxā€™uud Biday oo isna xafladdan ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardayda ka qelin jebisay taqasuska shareecada iyo Qanuunka, iyo xubnaha kale seminaarka loo soo gebagebeeyey, isagoo u mahad celiyey macallimiintii ka socday Jaamacadda International University of Africa ee suurageliyey in taqasusyadan laga bixiyo Jaamacadda Benadir.

ā€œWaxaan aad ugu faraxsanahay anigoo metelaya Jaamacada Benaadir inaan ka soo qeyb galo xafladdan qiimaha leh, hambalyada iyo farxadana la wadaago ardayda dhameysatay taqasuska shareecada iyo qaanuunka iyo kuwa kale dowrada gaaban loo soo xirayā€ ayuu yiri Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir.

Prof/Dr. Cismaan Maxā€™uud Dufle oo ah Senator ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa isna xafladaas ka sheegay inuu ku faraxsan yahay sida Jaamacadda Benadir ay u xaqiijisay hirgelinta taqasuska shareecada iyo Qaanuunka, iyadoo la kaashaneysa Jaamacadda International University of Africa.

ā€œMahad celin ballaaran waxaa naga mudan walaalaheen macalimiinta Sudan nooga yimid ee maanta nala fadhida oo runtii ku soo dhiirraday inay yimaadaan dal dagaallo iyo burbur ka jireen muddo badan, si ay aqoontooda uga faaā€™iideeyaan walaalahooda Soomaaliyeedā€ ayuu yiri Prof. Dufle oo dhinaca kale dardaaran iyo hambalyo isugu daray ardayda ka faaiideysatay casharada ay bixiyeen macalimiinta reer Sudan.

Qaar ka mid ah ardaydii ka soo baxday qaybta taqasuska shareecada & Qaanuunka ayaa u mahad celiyey macaliminta reer Suudan ee ka socday Jaamacadda International University of Africa iyo Jaamacadda Benadir oo suurageliyay in iyagoo dalkooda jooga ay helaan taqasusyadaan, waxayna ballan-qaadeen in aqoonta ay barteen ay si hufan ugu adeegi doonaan bulshada Soomaaliyeed.

Masā€™uuliyiintii ka qayb gashay Munaasabaddan ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey Ardayda dhameysatay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka iyo kuwii ka faaā€™iideysatay casharrada muddada bisha ah ay bixinayeen Macalimiinta ka yimid Sudan.

Macalimiinta ka socday International University of Africa ee dalka Sudan oo dalkooda ku laabanaya ayaa intii ay socotay xaflada waxaa la gudoonsiiyey haddiyado ay si wayn ugu farxeen, waxayna munaasabadaas ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -