Raisul Wasaare caan ah oo lagu dhaliilay dayuurad uu u raaco guriga iyo xafiiskiisa

Hadal haynta dhanka dalka Pakistan waxaa toddobaadkan hareeyay gaadiidka uu adeegsado Imran Khan oo dhawaan loo doortay Ra’iisul wasaaraha dalkaas.

Imran ayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca adeegsada marka uu ka baxayo guriga uu khaaska u leeyahay ee uu u sii socda deegaankiisa rasmiga ah oo 15km u jira.

Qaabka uu u safro ayaa lagu dhaliilay in uu yahay mid ay dhaqaale badan ku baxdo, maadaama oo uu horay u ballan qaaday inuu wax ka qaban doono qaab dhaqanka xafiisyada iyo siyaasiyiinta.

Wasiirka warfaafinta ee Pakistan Fawad Chaudry oo damcay in uu difaaco ayaana hadal haynta sii huriyay.

Isagoo shir jaraa’id ka hadlaya ayuuna sheegay in adeegsiga diyaaradda qumaatiga u kacda aysan ahayn qaali, halkii kiiloo mitirna ay ku baxdo 55 rupee oo u dhigantan $0.77 oo ah lacag hal dollar ka yar.

Dadka ayay ka daadagi wayday in diyaaradaha qumaatiga u kaca ay sidaas u raqiisan yihiin.

Dadka Pakistan ku sugan ee adeegsanaya magaca #Helicopter ee Twitterka ku jira ayaana sare u kacay, iyadoo eraygaas lagu soo daray 16,000 jeer qoraallo Twitter lagu soo daray Isniintii oo kali ah.

Sida ay muujinayso baaris la sameeyey  diyaaradda uu Ra’iisul wasaaraha adeegsado ee nooceedu yahay (Agusta Westland AW139), shidaalka ay adeegsato halkii Km waa 1,600 Rupee oo u dhiganta $23, qiimahaas ayaana  aad uga sarreeya 55 Rupee ee uu sheegay wasiir Chaudry.

Qiimahan ayaan sidoo kale waxaan ku jirin kharashaadka kale ee aan shidaalka ahayn ee ay diyaaradaha qumaatiga u kaca adeegsadaan.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -