Allbanaadir.com
NEWS

Siciid Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyaasha ciidamada Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada kulan Kula qaatay saraakiisha ciidanka kala duwan eeĀ  Puntland, sida Daraawiishta , Booliska , Asluubta iyo Nabad sugida.

Kulanka dhax maray madaxweyne Deni iyo taliyaasha ciidamada ayaa ku saabsanaa dar-dargelinta amniga guud ee deegaannada Puntland, iyo sidii looga hortagi lahaa cid kasta oo isku dayda in xaalad ammaan darro in ay abuurto

Madaxweynaha Puntland ayaana inta uu kulanka socda waxa uu warbixinno kala duwan kaĀ  dhegaystay saraakiisha ciidanka maamulka Puntland, kuwaa oo madaxweynaha warbixino ka siiyay sugida amniga iyo daruufaha ciidamada ka dhax jira.

Madaxweyne Deni oo dhawwaan dib ugu soo laabtay Garawe oo maalmo badan ka maqnaa ayaa wada kulamo uu la qaadanayo madaxda maamulkaasi iyo saraakiisha ciidamada ,kuwaa oo kala hadlay xaalada maamulka iyo doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah Faahino kasoo baxaya Ganacsade caan ah oo lagu dilay magaalada Kismaayo

Cabdi Cade

Wasiir Sabriye: ā€œDhaqanka Ahlu sunna Waljameeca ka muuqda waa dib u noqoshoā€

Caydiid Ali

Dowlada Sacuudiga oo isu diyaarinaysa iney qirato dilka Suxufiga Jamal Kashoqgi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---