Wasiir Sabriye: “Dhaqanka Ahlu sunna Waljameeca ka muuqda waa dib u noqosho”

Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan degmada Guriceel ayaa sheegay in ahlu suna looga baahan yahay ineysan ka soo laabtaan wadada aan toosneyn ee ay ku taagan yihiin.

Waxaa ayuu ku eedeeyay Ahlu Sunna wasiirku inay caqabad ku yihiin dhismaha Galmudug heshiis, isaga oo intaa raaciyay in waxyaabo aan u qalmin halgankoodii dheeraa ay doonayaan inay u burburiyaan masiirka umadda ku dhaqan Galmudug.

”Waxan aan arkayo ma’aha wax ka tarjumaya heshiiskii lagu dhisay Ahlu Sunna iyo dhabihii dheeraa ee la soo maray, waxaan leeyahay ragga culimada ah war ha is karaamo tirina dowladda Soomaaliya diyaar ayey idiin tahay hanagu qasbina in xudduuda leys kala baxo, dowladda Soomaaliya in badan ayey idiin dabcisay ka daaya inaad jiidaan ilaa uu Go’ Katiinka noo dhaxeeya” ayuu yiri Wasiirka oo la hadlayay mas’uuliyiinta iyo Waxgaradka gobolka Galguduud.

Wasiir Sabriye ayaa intaa ku daray wali diyaar u yihiin dhankooda in ay la hadlaan lana fariistaan mas’uuliyiinta Ahlu Sunna si xal looga gaaro tabashadooda.

“Dhowr xildhibaan ha la siiyo iyo guddiga doorashooyinka ha la igu daro maaha wax u qalma in loo burburiyo dhismaha maamulka Galmudug” ayuu sidoo kale wasiirku intaas ku daray.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili ciidamada dowladda Soomaaliya ay Ahlu Sunna Waljameeca kala wareegtay 24kii saac ee la soo dhaafay degmooyinka Matabaan iyo Guriceel ka dib markii labada dhinac ay isku fahmi waayeen dhismaha Maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -