Faah Faahino kasoo baxaya Ganacsade caan ah oo lagu dilay magaalada Kismaayo

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay fiidkii magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxa ay ku dileen Ganacsade caan ah oo sidoo kale kamid ahaa waxgaradka magaaladaasi.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dhalinyaro biskoolado ku hubeesan xaafada Calanley ku dileen ganacsade  Xaaji Saciid Ciise (Saciid Addoon), kooxihii dilka geestay ayaana goobta si deg deg ah uga baxsaday.

Ganacsadaha la dilay oo sidoo kale kamid ahaa waxgaradka caanka ka ah Kismaayo ayaan wali la ogeyn sababta loo dilay iyo cida dilkiisa ka dambeesay, waxaana dilkan aad uga naxay dadka ku dhaqan Kismaayo.

Afhayeen u hadlay laamaha amniga magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay wadaan baaritaano ku aadan dilka xalay Kismaayo loogu geestay ganacsade Nabadoon Saciid Addoon.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay mudooyinkii ugu dambeeyay waxgarad magaaladaasi caan ka ahaa, dilalkaasi qaarkood ayaa la tuhmayaa in ay ahaayeen kuwa siyaasadeed uu maamulka Jubbaland maleegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -