Dowlada Sacuudiga oo isu diyaarinaysa iney qirato dilka Suxufiga Jamal Kashoqgi

Boqortooyada Sacuudiga ayaa isu diyaarineysa iney warbixin ka soo saarto saxafiga lagu waayey Qunsuliyadda ay ku leeyihiin magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Telefishanka CNN ayaa baahiyey xog laga helay ilo ku dhow Sacuudiga oo sheegaysa in Sacuudiga uu diyaarinayo warbixin ku saabsan kiiska qoraaga Jamaal Kashoqgi, iyadoo u qiranayo dilka saxafiga inuu u dhacay si khalad ah intii lagu dhex jiray su’aalo lagu weydiinayey Qunsuliyadda.

Ma cadda qaabka warbixintaasi u diyaariyeen Sacuudiga, laakiin waxay ku soo beegmeysaa iyadoo baarayaasha Turkiga iyo khubaradda dembiyada ay galeen xarunta Qansuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, halkaasoo ay baaritaan xoog leh ka wadaan.

Sacuudiga ayaa u muuqda inuu qiranayo dilka naxdinta leh ee lagula kacay qoraaga Jamaal Kashoqgi oo deganaa Mareykanka, waxna ku qori jiray Wargeyska Washington Post, iyadoo dadaalka ugu weyn uu yahay in arrinta lagu koobo saraakiisha amniga Sacuudiga oo aanay saameyn ku yeelan madaxda boqortooyada oo uu ugu horeeyo Dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan.

Dowlada Sacuudiga ayaa 24kii saacadood ee ugu dambeeyey waxaa saarnaa cadaadis xoog leh oo kaga imaanayey dalalka reer galbeedka kaasoo ku saabsan iney runta ka sheegaan xaalada suxufigan iyo halka uu ku dambeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -