Madaxweynihii hore ee Somalia oo Muqdisho kusoo wajahan iyo diyaar garow xoogan oo socda

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo mudooyinkii dambe dalka dibadiisa kunoolaa beri dib ugu soo laabanayo Muqdisho.

Diyaar garow xoogan oo ku aadan soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana beri la filayaa in garoonka uga hortagaan dad badan oo taageerayaashiisa kamid ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hada ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waxaa saldhig u ahaa dalka Turkiga uu dagan yahay.

Baraha bulshada ayaa si weyn caawa looga dareemayaa warka la xiriira imaanshaha Xasan Sheekh ee magaalada Muqdisho, taageerayaasha Xasan Sheekh ayaana si weyn u buun buuninaya imaanshihiisa Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu tiriyaa in uu geed fadhi u yahay Mucaaradka dowlada gaar ahaan kooxdiisii hore , waxa uuna Xasan intii ay dowlad jirtay ahaa nin ka aamusan oon amaan iyo cambaareyba usoo jeedin dowlada iyo Madaxda hogaamisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -