Ganacsato Soomaaliyeed oo boob xoogan  loogu geestay dalka Koonfur Afrika (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta deegaanka Soweto oo katirsan magaalada Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika ka bilowday boob xoogan oo loo geesanayo goobo ganacsi oo Soomaalida iyo Ajaaniib kale ku leyihiin deegaankaasi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in boobka oo saakay bilowday sii xoogeestay saacadihii dambe soona gaaray ilaa caawa, waxaana dadka boobka geesanaya sidoo kale gubeen dukaan ay Soomaali laheyd.

Dumaada la boobay oo ka badan 60-dukaan ayaa la sheegay in 27-kamid ah ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed, sida uu noo xaqiijiyay Cabdi Calas Guure oo ah Gudoomiyaha Save Somali Comunitty ..

Rabshada lagu boobayo Soomaalida iyo ajaaniibta kale ayaa intii socday waxaa la sheegay in ganacsato Soomaaliyeed ee dileen labo ruux oo kamid ahaa dadka rabshadaha waday oo soo weeraray, waxaa sidoo kale rabshadaha lagu dhaawacay Muwaadin Soomaaliyeed.

Xaalada kacsanaan ah ayaa wali ka jirta deegaanka Soweto oo ah deegaan isku raran ah ay dagan yihiin dadka saboolka ah, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii xoogeestana rabshadaha ka socda halkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -