Madaxweyne Deni oo Damaciisa Siyaasadeed u bandhigay Siyaasiyiin kala duwan (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano kasoo jeeda deegaanada Puntland oo xilligan ku sugan Garoowe.
 
Kulankan oo ah is-xogwareysi iyo wadatashi ayaa Madaxweynuhu la yeeshay Siyaasiyiin isugu jira kuwo xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, falanqeeyayaal siyaasadeed iyo xubno arrimaha Bulshada ka shaqeeya.
Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha Puntland ayaa siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada uu la kulmay u sharaxay damaciisa siyaasadeed gaar ahaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu u sharaxan yahay.
Madaxweyne Deni ayaa u sheegay Siyaasiyiinta uu la kulmay in ay ka go’antahay in uu hoggaamiyo siyaasadda Soomaaliya uuna rejo weyn ka qabo in uu ku guuleesto xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada la kulmay Madaxweyne Deni ayaa dhankooda siiyay tallooyin ku aadan musharaxnimadiisa Madaxweyne, waxa ayna u ballanqaadeen in ay ku taageerayaan damaciisa ku aadan in uu Soomaaliya ka noqdo Madaxweyne.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com
- Advertisement -