Qandaraaslayaal Dhismooyin oo lagu xir xiray Turkiga iyo kuwo kale oo la baadi goobayo

Dowladda Turkiga ayaa bilowday howlgalo lagu xir xirayo qandaraaslayaal dhinaca dhismooyinka, gaar ahaan kuwii dhisay guryihii ku burburay dhul-gariirkii dhawwaan ku dhuftay qeybo kamid ah dalkaasi.

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa baahisay in la xir xiray in ka badan 100- qandaraaslayaal dhinaca dhismaha ah, waxaana lagu eedeeyay in ay masuul ka ahaayeen bur burka dhismooyinkii ku bur buray dhul-gariirkii ku dhuftay degmooyinka kuyaala Turkiga

Madaxweyne ku xigeenka dalka TĂĽrkiye, Fu’aad Oktay ayaa shaaca ka qaaday in la xiray qandaraaslayala badan oo dhinaca dhismaha, waxa uuna cadeeyay in lagu soo oogi doono inay ku xadgudbeen sharciyada dhismaha iyo nidaamkii u degsanaa.

Dhinaca kale wasaaradda Caddaalada TĂĽrkiga ayaa amar ku siisay xafiisyada dacwad oogaha ee 10-kii Gobal ee saameeyay dhul-gariirka in ay sameeyaan baaritaano qoto dheer , lana soo helo sababta sahashay in dhismayaasha si fudud ku dumaan.

Wasiirka Caddaalada Turkiye, Bekir Bozdağ ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono  Qandaraaslayaasha lagu helo inay u sabab ahaayeen dhismayaasha ku bur buray dhul-gariirka ku dhuftay gobolo Turkiga katirsan.

Dhul-gariirkii ku dhuftay gobolo katirsan dalalka Turkiga iyo Syria ayaa sababay geerida in ka badan 22-qof , waxaana dadkaasi badankood ku dhinteen dalka Turkiga, waxaana ku dhaawacmay dhul-gariirka tiro intaasi ka badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -