Dagaal Culus oo caawa ka dhacay magaalada Marka iyo Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa caawa weerar xoogan waxa ay ku qaadeen fariisimo ciidanka Milatariga Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida aan wararka ku heleyno dagaal xoogan oo daqiiqado badan socday ayaa ka dhacay gudaha magaalada Marka iyo Duleedkeeda, waxa ayna labada dhinac ee dagaalamayay is dhaafsanayeen hub aad u cukus.

Dadka ku dhaqan magaalada Marka ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay magaalada uu ahaa mid xoogan oo si weyn looga maqlayay inta badan magaalada, waxa ayna sheegeen in aysan garin karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Al Shabaab gudaha usoo galeen lana wareegeen qeybo kamid ah magaalada Marka, waxaana saraakiil katirsan ciidanka dowlada xaqiijiyeen in dagaal xoogan uu ka dhacay Marka iskana difaaceen weerarka Al Shabaab.

Sida aan Wararka ku heleyno dagaalka ayaa goordhaw qaboobay, waxaana wali adag in la ogaado cida sida buuxda u maamuleysa magaalada Marka iyo sidoo kale goobaha ya kala joogaan dhinacyada dagaalamay maadaama xili habeen ah ay tahay.

Al Shabaab iyo ciidamada dowlada ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay magaalada Marka oo maamulkiisa isku hayaan Al Shabaab , Dowlada iyo sidoo kale maleeshiyo beeleed iska soo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -