Allbanaadir.com
NEWSXULKA

Itoobiya oo xafiis cusub u sameysay Hub ka dhigista Ururada hubeesan

Dowlada Itoobiya ayaa sameysay xafiis cusub oo loogu tala galay hub ka dhigista iyo la socodka Ururadii hubeesnaa ee dhawaan wadahadalada nabadeed la galay Xukuumada Ra’isul Wasaasre Abiy Ahmed.

War kasoo baxay Xafiiska xiriirka dowlada federaalka ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in la sameeyay xafiis u gooni ah hub ka dhigista Ururadii hubeesnaa ee dhawaan heshiiska la galay Dowlada Federaalka ee Itoobiya.

Xafiiskan cusub ee dowlada Itoobiya sameysay ayaa ka shaqayn doona sidii si nabad ah hub ka dhigis loogu samayn lahaa ururada hubaysan ee nabada qaatay wadahadalana la galay dowlada.

Waxyaabaha muhiimka ah uu xafiiskan cusub qaban doono waxaa kamid ah sidii shaqo loogu abuuri lahaa maleeshiyaadka hubka laga dhigayo iyo sidoo loogu dari lahaa ciidanka cidii dooneysa.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan  ugu baaqay ururada hubeesan inay hubkooda si nabad ah kusoo dhiibaan islamarkaasna ay ku dagaalamaan firkadahooda iyo qalinka.

Ururada aqbalay Gogosha nabadeed ee dowlada Itoobiya fidisay waxaa kamid ah ururka ONLF ee ka dagalama adhulka Soomaali Galbeed iyo Ururka kale ee OLF, waxaana ururadan hadii heshiis la galaan dowlada lagu sameyn doonaa hub ka dhigis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dufcadii 12-aad oo ka qelin jebisay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Benadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Burundi oo si adag uga hortimid qorshe lagu dhimayo Ciidanka ka jooga Soomaaliya

Cabdi Cade

Sawiro ay Wada galeen Ra’isul Wasaare Rooble iyo Yaasiin Farey oo hadal heyn abuuray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---