Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda Nabad sugidda oo ka hadlay arimo Xasaasi ah

Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Generaal Cabdala Cabdala Maxamed oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa ka hadlay xili ka qaadistii lagu sameeyay iyo arimo kale oo xasaasi ah.

Cabdala Cabdalla ayaa sheegay in xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyay  aan marnaba lagu soo wargalin, waxa uuna tilmaamay in xil ka qaadistii uu ka arkay Warbaahinta iyo sidoo kale baraha bulshada.

Waxa uu sheegay Taliye kuxigeenkii hore ee Hay’ada NISA in uusan ogeyn ilaa hada sababta xilka looga qaaday, waxa uuna xusay in kaliya maqlay in xilka laga qaaday sidaasna ay sheekadu ku dhamaatay.

Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda Nabad sugidda ayaa sheegay shaqadii Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka oo aheyn la dagaalanka Argagaxisa iyo sidoo kale xuuraanka sirtooda laga gaabiyay howlo kalana lagu mashquulay.

Jeneraal Cabdalla ayaa sheegay in shaqadii Hya’ada Nabad sugida iyo waxii laga rabay dhinac kale loo weeciyay, waxa uuna xusay in Hay’ada shaqo ka dhigatay in ay dad dowlada ka tirsan weerarto oo xir xirto.

“Hay’ada Nabadsugid howlihii ay ku shaqeyn jirtey ee ahaa la dagaalanka argagaxisada iyo soo celinta xiriirka hay’adu ay la lahayd dalalka caalamka ee aan saaxibada nahay waa laga bedelay waxayna noqotay hay’adu loo leexiyay in dadkii dowlada ka tirsanaa iyo xubnaheeda laga dhigo wax la xiro,wax shaqada laga ceyriyo iyadoo qeybtii howlgalada oo amniga sugayay lagu wareejiyay Booliska.”ayuu yiri Jeneral Cabdalla

Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa ahaa Taliye kuxigeenka Hay’ada Nabad sugida mudo 6-sabo ah, waxa uuna lasoo shaqeeyay taliyaal badan oo la isku bedelay intii uu kuxigeenka ahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan xilka ka qaaday Labo Taliye kuxigeen oo laheyd Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynaha Taliye kuxigeenka NISA u magacaabay Fahad Yaasin oo ahaa Agaasimihii Madaxtooyada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -