Allbanaadir.com
NEWS

Burundi oo si adag uga hortimid qorshe lagu dhimayo Ciidanka ka jooga Soomaaliya

Dowlada Burundi ayaa si adag hor timid dalab uga yimid Midowga Afrika oo ku aadanaa in ay si deg deg ah u dhinto tirada ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Nabad ilaalinta ee AMISOM.

Afhayeenka Ciidamada Burundi Col. Floribert Biyereke ayaa sheegay dalabka uga yimid Midowga Afrika ee ku aadan horaanta sanadka cusub in Soomaaliya kala baxaan Kun askari ay tahay mid si gaar ah loogu beegsanayo,

Waxa uu sheegay Afhayeenka in wadahadal ka gali doonaan in si isku mid ah wadamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya looga wada dhimi lahaa ciidamada AMISOM , waxa uuna xusay in ka xun yihiin in Burundi kaliya lagu amro in ciidankeeda dhinto.

Qoraal kasoo baxay Midowga Afrika oo loo diray dalka Burundi ayaa looga codsaday in ugu dambeyn bisha Febraayo ee sanadka cusub ee 2019-ka Soomaaliya kala baxdo ilaa 1,000 akari oo kamid ah ciidamada AMISOM.

Dalka Burundi ayaa ah dalka labaad ee ciidamada ugu badan ee katirsan AMISOM ka joogaan gudaha Soomaaliya, waxaana Burundi Soomaaliya ka jooga ciidamo gaaraya  5,400 askari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka gobol ka tirsan Maraykanka oo madax furasho lacageed siinaya koox burcad ah

Caydiid Ali

Madaxweynaha Somalia & wafdigii uu horkacayey oo si diiran loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Hoteel la sheegay in Dhaqan Xumo lagu sameeyo oo Xayiraad adag lagu soo rogay (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---