Dufcadii 12-aad oo ka qelin jebisay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Benadir (Sawirro)

Dufcadii 12aad ayaa ka qelin jebisay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, iyadoo xaflad arrintaas la xiriirta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladan oo aheyd mid ardayda qelin jebisay ay ku difaacanayeen buugga qelin jebinta ayaa waxay soo bandhigeen cilmi baarisyo dhowr bilood socday oo ay ka sameeyeen xaaladaha dhinaca caafimaadka ee ka jira qaar ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabadan ka qeyb galay Masuuliyiin iyo macalimiin ka tirsan Jaamacadda Banaadir, ardayda difaacaneysay buugga qelin jebinta, aqoonyahano, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Ardaydan oo tiradoodu gaareyso 42 dhaqtar oo ka kooban 26 gabdhood iyo 16 wiil ayaa waxay qeyb ka ahaayeen dufcadii 11aad ee sanadkii hore ka aflaxay Kuliyaddan balse dib u dhacay sababo kala duwan awgood sida uu sheegay Eng. Ismaaciil C/raxmaan Cumar oo ah diiwaan hayaha guud ee Jaamacada Benadir.

Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Benaadir Prof/Dr. Tahlil Cabdi Afrax oo munaasabadaas ka hadlay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ardaydan qelin jebisay ay wixii maanta ka dambeeya yihiin dhaqaatiir wax qali kara, daweyna kara, isagoo xusay in ardaydan ay muujiyeen dedaal badan oo waqti dheer qaatay, ayna la mid yihiin hadda ka dib dhaqaatiirta ka baxday Jaamacadaha caalamka.

“Anigoo ku hadlaya magaca maamulka, Macalimiinta hormuudyada iyo mu’asasada Jaamacada Benaadir waxaan ku faraxsanahay inaan si rasmi ah ugu dhawaaqo in 42-ka arday ee ka qelin jebiyey maanta Kuliyadda Caafimaadka ay wixii hadda ka bilowda yihiin dhaqaatiir” ayuu yiri Dr. Tahliil Cabdi Afrax oo ku dheeraaday dedaalkii ay muujiyeen ardayda qelin jebisay mudadii ay Kuliyada Caafimaadka wax ka baranayeen.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Prof/Dr. Maxamed Max’uud Xasan (Biday) oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyey ardayda ka qelin jebisay kuliyadda Caafimaadka guusha ay gaareen.

“Maanta waa maalin farxadeed maadaama ay Jaamacada Banaadir ka qelin jebiyeen dufcadii 12aad ee ka soo baxday Kuliyadda Dhaqtarnimada ka dib lix sano oo dedaal dheer iyo Juhdi badan la soo waday, 12-ka dufcadood marka la isku geeyana waxaa Jaamacaddu soo saartay 970 dhaqtar, wixii maanta ka dambeeya waxaad tihiin dhaqaatiir, masuuliyad buuxda ayaana idinka saaran Caafimaadka guud bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Biday oo ardayda qelin jebisay kula dardaarmay iney aqoontooda dhaqtarnimo sii kordhiyaan aysana maskaxdoda gelinin in waxbarashadu ay halkaas ku dhamaatay, isagoo dhinaca kale mahad celin ballaaran u jeediyey waalidiinta, Maamulka Macalimiinta iyo intii kale ee gacanta ka geysatay heerka ay soo gaareen ardayda aflaxday.

Gudoomiyaha Mu’asasada Jaamacadda Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo gebagaebadii munaasabadan ka hadlay ayaa hadalo dardaaran u badnaa u jeediyey ardayda, wuxuuna ku dhiirageliyey iney waxbarashadooda sii wataan.

“Waxaan halkan  hambalyo uga dirayaa ardayda qelin jebisay, wax yar ka hor arday baad aheydeen, laakiin hadda waxaad tihiin dhaqaatiir xili culus ayaana dusha idinka fuulay, waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ilaalisaan anshaxa dhaqaatiirta, una naxariisataan bukaanada qaliinada iyo daweynta u sameyneysaan” ayuu intaa ku daray Dr. Bushkuleeti oo ardayda dufcada 12aad ee ka aflaxday Jaamacadda Benaadir u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

Munasabadan oo lagu dhaariyey ardayda qelib jebisay ayaa waxaa sidoo kale hadalo kooban oo isugu jiray hambalyo iyo dardaaran ka jeediyey Dr.Maxamed Maxamuud Fuje oo ka tirsan Mu’asasada tacliinta sare ee Banaadir, Dr. Axmed Yuusuf Guuleed oo isna Madaxa Maaliyada ee Muasasada Dr. Cawaale C/llaahi Maxamed oo ka tirsan dufcadii ugu horeysay ee ka baxday Jaamacada Benaadir, aqoonyahano kala duwan iyo xubno ku hadlayey magaca waalidiinta iyo ardayda ka qelin jebisay kuliyadda caafimaadka Waxaana munaasabadan ay ku soo gebagebowday jawi aad u farxad badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -