Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa caawa qarax nuuca gaadiidka hoosta looga soo xiro uu ka dhacay Laamiga Taleex ee Degmada Hodan, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray dadkii gaariga watay.

Goobjogayaal ayaa ku waramay in gaariga qaraxa lagu soo xiray uu qarxay xili uu marayay laamiga taleex, waxaana gaariga qaraxa lagu soo xiray sheegeen in ay saarnaayeen labo askari oo katirsanaa ciidanka dowlada.

Inta la xawqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay labada askari ee gaariga wadatay, waxaana dhaawacyada askartan loo qaaday mid kamid ah isbitaalada kuyaala magaalada Muqdisho.

Qaraxyada gaadiidka hoosta looga soo xiro ayaa mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana inta badan qaraxa gaariga lagu soo xiro waxyeelo xoogan kasoo gaartaa darawalka wada gaariga qaraxa lagu xiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -