Shacab careysan oo dibed-bax ka dhigaya bartamaha Magaalada Beladweyne

Banaabax ballaaran oo bilowday barqanimadii maanta ayaa ka socda Bartamaha Magaalada Beledweyne ee gobolka hiiraan.

Dibad baxa ayaa yimid sida wararku nagu soo gaarayaan ka dib markii Askari ka tirsan Cidamada dowlada uu halkaas ku dilay wiil darawal ka ahaa Mooto Bajaaj.

Dadka Banaanbaxa sameynaya ayaa ah dad ka careysan dilka loo geystay wiilka bajaajlaha ah, waxaana la sheegay in Askarigii dilka geystay aan la qaban oo uu baxsaday.

Shacabka dibed baxaya oo isugu jira haween, dhalinyaro iyo caruur ayaa ka dalbaday maamulka gobolka hiiraan in la soo qabto askarigii dilay bajaajlaha sharcigana la mariyo.

Maamulka Hirshabelle iyo masuuliyiin gobolka hiiraan ayaan ka hadlin dilka loo geystay bajaajlaha iyo dibed-baxa ka dambeeyey, balse saraakiisha amaanka magaalada ayaa sheegaya iney wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan askariga dilka geystay si loo soo xiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -