Madaxweyne Trump oo Hanjabaad culus hawada u mariyay Dowlada Turkiga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay cunaqabateyn weyn oo la saarayo Turkiga sababo la xiriira weerarka ay ciidamada dalkaas ku qaadeen Waqooyiga Syria ee ka dhanka ah Kurdiyiinta.

Madaxweyne Donald Trump ayaa mar kale difaacay go’aankii uu dalkaas uga saaray ciidamada Mareykanka oo dagaalka ka dhanka ah Daacish kula jiray dagaalyahannada Kurdishka.

“Dad ma waxaa jira ay runtii la tahay inaan dagaal la galno Turkey oo xubin ka ah NATO?dagaallada aan dhammaadka lahayn way dhammaan doonaan. Dadkii lugaha noo geliyey qaska Bariga Dhexe ayaa ah kuwa hadda doonaya inaan halkaas sii joogno.” Ayuu yiri madaxweynaha.

Trump ayaa dhinaca kale sheegay in laga yaabo in Kurdiyiinta “ay sii daynayaan qaar’ ka mid ah maxaabiista Daacish, si ay Mareykanka u dagaal geliyaan, balse waxa uu sheegay in si fudud ay dib ugu qaban karaan ciidamada Turkey ama dalalka Yurub ee ay ka yimaadeen.

Madaxweyne Donlad Trump ayaa sheegay inuu hogaamiyayaasha congress-ka, oo ay ku jiraan dimoqraadiga kala shaqeynayo in cunaqabateyn dhaqaale la saaro Xukuumada Ankara.

 

- Advertisement -