Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) RW Khayre oo saaka gudoomiyey Shir muhiim ah oo lagu qabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta shir guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya, kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa shirkaasi goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo Ra’iisul Wasaaraha uu warbixin ka siiyay shirkii uu uga qyeb-galay Magaalada Addisa Ababa ee dalka Itoobiya.

“Shirkii Todobaad laha ahaa ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya SMP waxaa maanta nagala soo qeyb galay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo aan warbixin ka siiyay shirkii dhawaan Addis Ababa inoogu soo gaba gaboobay ee dib u eegista SMP4 ayuu yiri “Wasiir Beyle.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay Wasiirka inay ka go’an tahay fulinta iyo wax walbo oo lagu gaarayo cafinta deymaha lagu lee yahay Soomaaliya oo gaaraya balaayiin dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo la Dar daarmay maayarka Cusub iyo Golaha Deegaanka Hargeysa (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug oo la Magacaabay

Caydiid Ali

Cabdiweli Gaas: “Labada xilba markaan waayey ayuu miyirku ii soo laabtay”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---