Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax xoogan oo daryankiisa laga maqlay meelo badan ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka uu u dhacay qaraxan oo haleelay gaari noociisu yahay SURF oo marayey agagaarka warshadii hore ee Caanaha.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray gaariga halka warar kalena ay xusayaan in gaariga ay la kacday miino lagu aasay wadada dhinaceeda.

Waxaa ku dhaawacmay qaraxaas afar askari oo la socotay gaariga qaraxa lala beegsaday, kuwaasoo midkood la sheegay inuu ahaa sarkaal ciidan sida ay ku waramayaan dad goob joogayaal ah.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa gaaray goobta gaarigan lagu qarxiyey, halkaasoo ay ku sameeyeen howlgalo kala duwan, iyagoo xiray goobta.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya xili saaka si weyn loo xoojiyey amaanka magaalada Muqdisho, iyadoo la xiray wadooyinka qaarkood oo muhiim u ahaa socodka dadweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -