Nin in ka badan 30-Sano gadaal gadaal u socday iyo Sababta keentay (Daawo Sawirada)

In ka badan 30-sano Mani Manithan wuxuu gadaal-gadaal ugu socdaa si loo helo nabad guud oo dunida oo dhammi ka mahdiso.

Sannadkii 1989-kii ayuu bilaabay howlgalkiisa gadaal-u-socoshada, kaddib markii rabshado lagu hoobtay ay ka dhaceen gudaha degmadiisa kuwaas oo gilgilay dareenka dadweynaha Hindiya oo dhan. Hadda wuu la qabsaday ugu danbeyntii. Mana karo inuu horay ugu socdo xittaa haddii uu maago. Wuxuu is arkayaa isaga oo gadaal u soconaya.

Xaafadda Agraharam ee Tamil Nadu ayuu ku leeyahay meherad ganacsi. Taniyo June 14 sannadkii 1989-kii, ayuu u socdaa gadaal ā€“ dadaal uu ku doonayo in la helo nabad caalami ah.

ā€œDuni ahaan, argagaxisadu way baahaysaa; dilku wuu badanayaa; qaraxyadu waa joogto; daā€™yartiina waa la jah-wareeriyay,ā€ ayuu yiri. ā€œSi aan u canbaareeyo ficilladan, waxaan 30-kii sano ee lasoo dhaafay u socdaa gadaal-gadaal.ā€

ā€œHadafkayga ā€˜ajendahaā€™ ugu weyn waa nabadda adduunka.ā€

Dabcan, Manithan wuxuu gaaray guul kooban ā€“ ilaa iyo hadda waxba iskama beddelin qaab socodkiisa. Laakiin haddana uma muuqdo mid joojinaya.

Wuxuu wacad ku maray inuusan ka joogsan doonin socoshadiisa ilaa inta dunidu ka noqoneyso meel ku habboon in lagu noolaado.

ā€œNoloshayda waxaa ku jira halgan, naf-hurnimo, guulo, marka dhib kuma qabo inaan u socdo qaabkan ilaa aan ku guuleysanno nabad caalami ah,ā€ ayuu yiri.

Mar iyo meel walba wuxuu ugu socdaa gadaal gadaal ā€“ guriga, waddooyinka, iyo xittaa marka uu fuulayo jaranjarooyinka ama raaciyo gaadiidka.

Waxa yaabka leh ayaa ah inuusan marnaba shil ku gelin socoshadiisa gaarka ah 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

ā€œWaan ku raaxeysaa gadaal u socoshada, maskaxdayduna way ilowday horay u socoshada.ā€

- Advertisement -