Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay qorshaha ciidamada dalkiisa looga saarayo Somalia

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo booqanaya Washington ayaa sheegay inuu kulan la yeelanayo Madaxweynaha Mareykanka uuna kala hadli doono dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin iskaashiga ammaanka, ganacsiga iyo maalgashiga.

Kenyatta ayaa soo hadal qaaday xilliga ciidanka Kenya ay ka baxayaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay arrintan, wuxuuna tilmaamay in waqtiga ugu dhaw Soomaaliya ay ka soo saari doonaan ciidankooda.

“Waan ku raja weynahay ciidamadeena waan ka soo saari doonaa Soomaaliya, waliba waqtiga ugu dhaw ee suurtagalka ah, waxaanu ka wada shaqeyn doonaa dowladda federaalka sidii ay u xoojin lahaayeen ammaanka, isla markaana u hanan lahaayeen nabadgelyada dalkooda”. ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Wuxuu kaloo sheegay ciidanka jooga Soomaaliya inay culeys dhaqaale ku hayaan dalkiisa, isla markaana qarash ay hawlo kale ku qabsan lahaayeen ay ku bixiyaan ciidamada ka jooga Somalia sidaa awgeedna ay rabaan inay kala shaqeeyaan dowladda Somalia in si nabadgelyo ah xasiloooni loogu soo celiyo Soomaaliya.

“Waxaan kala shaqeyneynaa walaalaheena Soomaaliya sidii ay isaga difaaci lahaayeen khatarta, maxaa yeelay khatarta keliya Soomaaliya kuma koobna”. ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Hawlgalka AMISOM ee Somalia ka socda  ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya kumanaan askari oo kala socda dalalka Burundi, Djibouti, Kenya, Uganda iyo  Ethiopia, kuwaasoo dhinaca amaanka ka taageeraya dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -