Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Itoobiya oo Cafis u fidisay Maxaabiis badan oo u xirneyd

Dowlada Itoobiya ayaa cafis u fidisay in ka badan 2-kun oo maxaabiis ah kana soo jeeda Qowmiyada Oromada, maxaabiistan ayaana ahaa kuwa loo xiray dibad baxyadii iyo rabshadihii dalkaasi ka dhacay.

Inta badan Maxaabiistan cafiska loo fidiyay ayaa u badnaa dhalinyaro ka qeyb qaadatay dibad baxyadii rabshadaha watay ee dowlada looga soo horjeeday, waxaana dadka ku xirnaayeen ismaamulka Oromada Itoobiya.

Teshome Girma, oo ah madaxa cadaalada gobolka Oramiya ayaa Warbaahinta u sheegay in cafis loo fidiyay xabsiyadana laga siideenayo maxaabiis gaareysa 2,345 ruux oo u badan dhalinyaro.

Dhawaan ayey aheyd markii Dowlada Itoobiya sidan oo kale cafis ugu fidisay maxaabiis badan uu ku jiray hogaamiyaha mucaaradka ee Merera Gudina, waxaana maxaabiistan u xirnaayeen arimo siyaasadeed.

Maxaabiistan ayaa la sheegay in uu cafis u fidiyay Madaxweynaha ismaamulka Oromiya, maxaabiistan ayaana xabsiyada laga sii deyn doonaa marka ay dhameestaan tababar dhaqan celin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo la sheegay in fursad weyn ka heleyso hakadka galay dagaalkii lagula jiray

Cabdi Cade

Weerar u qorsheysnaa kooxda Daacish oo la fashiliyey & xubno badan oo xabsi la dhigay

Caydiid Ali

Waqtiga rasmiga ah ee Soomaaliya lagu soo wareejinayo maamulka hawada oo la shaaciyay

admin
Taboola Ads ---