Wasiiro ku xirnaa magaalada Hargeysa oo la sii daayay

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in xuriyadooda dib loogu celiyay labo Wasiir oo katirsanaa Maamulkii Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo dhawaan lagu xiray magaalada Hargeysa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Warbaahinta u sheegay in la sii daayay labo Wasiir oo katirsanaa Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar kuwaa oo lagu xiray garoonka Hargeysa.

Labada Wasiir ay sii daayeen maamulka Somaliland ayaa kala ahaa Ibraahim Aadan Mahad (Ibraahim-Sacad), wasiirkii hore ee waxbarashada, iyo Cabdijamaal Axmed Qaloombi, wasiirkii hore ee cadaaladda Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Maamulka Somaliland ayaa Wasiiradan ay xireen ku eedeesay in ay  sharciga u gafeen oo ay Visa la’aan dalka soo galeen, mana jiro faah faahino badan oo maamulka Somaliland ka bixiyeen sii deynta Wasiiradan.

Wasiiradan katirsanaa Maamulkii hore ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la xiray 21-kii bishan xiligaas ay doonayeen in Garoonka Hargeysa uga sii dhoofaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -