Somaliland oo gaadiid lala soo baxsaday ku wareejisay dowlada Itoobiya

Maamulka Somaliland ayaa maanta gaadiid badan oo lagala soo baxsaday dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya intii ay rabshadaha socdeen waxa ay ku wareejisay masuuliyiin katirsan dowlada Itoobiya.

In ka badan toban baabuur oo nuucyo kala duwan oo lagala soo baxsaday deegaanada Soomaalida Itoobiya ayaa laga soo qab qabtay deegaano iyo degmooyin katirsan Somaliland.

Munaasabada Gaadiidkan lagu wareejinayay waxaa ku sugnaa Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Cabdi , Taliyaha booliiska Somaliland Generaal Cabdulaahi Fadal Iimaan iyo Wakiilka Itoobiya u jooga Somaliland Berhe Tasfaye .

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa sheegay in gaadiidkan lagala soo baxsaday Jigjiga iyo deegaano kale intii ay socdeen ay rabshadaha ka socdeen dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya , waxa ayna sheegeen booliiska oo heegan ku jiray ay soo qabteen gaadiidkan .

Wakiilka Itoobiya u jooga Somaliland Berhe Tasfaye ayaa maamulka Somaliland uga mahad celiyay gaadiidkan lagala soo baxsaday deegaanka Soomaalida Itoobiya ee maanta lagu soo wareejiyay.

Deegaanada Somaliland ayaa intii rabshadaha socdeen waxaa lala soo galay gaadiid iyo agabyo kale oo lagala soo baxsaday dhulka Soomaalida Itoobiya, waxaana gaadiidkaasi qaarkood qabtay ciidamada Somaliland kuwaa oo maanta qaarkood dib loo celiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -