Muhaajiriin ku xayirnaa Markab dushiisa oo loo ogolaaday in ay kasoo degaan (Daawo Sawirada)

Muhaajiriin mudo isbuuc ah dul saarnaa Markab taagan dekedda Sicily ee dalka Talyaaniga ayaa loo ogolaaday in ay kasoo degaan, kadib markii xal laga gaaray muran ka dhashay in dowlada Talyaaniga ay qaabisho Muhaajiriintaasi.

Dowlada Talyaaniga ayaa diiday in muhaajiriinta laga soo dajiyo Markabka ay saarnaayeen oo taagnaa dekedda Sicily ilaa xal laga gaarayo Muhaajiriintaasi halka la geenayo iyo waliba cida qaabileysa.

Talyaaniga ayaa diiday ruqsadda uu markabka ku dajinayo dadka saaran, ilaa iyo inta Midowga Yurub uu ka ogolaanayo in muhaajiriinta loo qaybiyo dalalka kale, waxaana markii dambe dadkan la dajiyay markii arintooda xal laga gaaray.

Wadamo ay kamid yihiin Ireland iyo Albaaniya ayaa ogolaaday in ay qaabilaan qaar kamid ah Muhaajiriinta Markabkaasi saarnaa, waxaa sidoo kale jira Baadariyaal Talyaani ah oo iyana sheegay in ay qaabilayaan qaar kamid ah Muhaajiriinta.

Muhaajiriinta loo ogolaaday in ay ka degaan Markabka ay ku xayirnaayeen oo gaaraya ilaa 140-ruux ayaa u badan dad kasoo jeeda dalka Eritrea, waxa ayna dadkan sheegeen in dhibaatooyin badan dalkooda uga soo carareen.

Midowga Yurub ayaa u degsan sharci dhigaya in Muhaajiriinta ay iska dhiibaan dalkii ugu horeeyay ee Yurub kasoo galeen, hasa ahaatee Talyaaniga ayaa dhibaato kala kulmay sharcigaasi maadaama Muhaajiriinta ugu badan ee Yurub doonaya dalkaasi kasoo galaan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -