Saldhigyo ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo weeraro culus lagu qaaday & khasaare ka dhashay

Xoogag taabacsan Al-Shabaab ayaa xalay weeraro kala duwan ku qaaday saldhigyo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Weerarka hore ayaa ka dhacay degaanka Golweyn ka dib markii gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey iyo dagaal toos ah lagu qaaday  saldhig ciidamada AMISOM halkaas ku  leeyihiin.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay weerarkaasi oo soo gaaray ciidamada AMISOM ee saldhiga Golweyn lagu weeraray.

Isla xalay Al-Shabaab ayaa weerartay saldhig kale oo ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ambareso oo ku yaalla duleedka degmada Baraawe, dagaal saacado socday oo aad u culus ayaana halkaas ka dhacay.

Khasaare isugu jira dhimasho & dhaawac ayaa ka dhashay weerarkan inkastoo aanan la xaqiijin karin tirada waxyeelada dagaalka ee labada dhinac kala gaartay.

Qarax miino ayaa sidoo kale ka dhacay degmada Qoryooley, gaar ahaan goob ay isugu yimaadaan ciidamada ugu yaraan hal askari ayaa halkaasi ku dhintay, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen sida laga soo xigtay saraakiil ciidan.

Al-shabaab iyo ciidamada AMISOM midkoodna kama hadlin illaa hadda weerarada xalay iyo saaka ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose oo khasaarahooda rasmiga ah aan weli la ogeyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -