Soomaali isku dishay Magaalada Toronto iyo faah faahino kasoo baxaya

Waxaa shalay magaalada Toronto ee caasimada dalka Canada ka dhacay dil loo geestay wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa Soomaalida kunool dalkaasi, waxaana magaciisa lagu sheegay Kaafi Bashiir Bahweyn.

Dilka Wiilkan Soomaaliyeed ayaa ka dhacay xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Weston and Lawrence, waxaana dilka wiilkan Soomaaliyeed oo toorey loo adeegsaday ka dambeeyay dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dilka geestay ayaa la sheegay in ay isku dhaceen ayna dagaalameen kahor inta aysan dilin Kaafi Bashiir oo 30-sano jir ahaa kana mid ahaa dhalinyaro ka shaqeysa Amniga.

Ciidamada booliiska magaalada Toronto ayaa wada baaritaano ku aadan dilkan loo geestay wiilkan dhalinyarada ah, waxa ayna ciidamada baadi goob ugu jiraan dhalinyaradii dilka ka dambeesay.

Dalka Canada ayaa kamid ah goobaha ay inta badan ka dhacaan dilalka ay isku geestaan dhalinyarada Soomaaliyeed dhaxdooda, waxa ayna dhalinyarada u badan yihiin kuwa koox koox u abaabulan oo qaarkood isticmaalaan maandooriyaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -