Ciidamo u abaabulan qaab beeleed oo weerar ku qaaday xarunta Nabad sugida Jubbaland

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xaruna KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ciidamo katirsan maamulkaasi balse u abaabulan qaab beeleed weerar xoogan ku qaadeen xarunta Ciidamada Nabad sugida Jubbaland.

Ciidamada hubeesan ayaa weerar xoogan ku qaaday xerada FIAT oo saldhig u ah ciidamada Nabad sugida maamulka Jubbaland, waxaana iska hor imaad labada ciidan dhax maray ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku heleyno ciidanka Weeraray xarunta Nabad sugida ayaa ka careesnaa xarig loo geestay askari xubin jirkiisa kamid ah ku waayay dagaal uu la galay Al Shabaab oo xireen ciidamada Nabad sugida kadib markii uu Facebook ku dhaliilay maamulka.

Ciidankii weeraray xarunta nabad sugida Jubbaland ayaa la sheegay in ay ku guuleesteen in ay xabsiga kasii daayaan labo askari oo xabsigaasi ku xirnaa, waxa ayna dib ugu laabteen goobihii ay ka duulaan tageen.

Ciidamada Maamulka Jubbaland oo u abaabulan qaab beeleed ayaa mararka qaarkood ku dhax dagaalama magaalada Kismaayo , waxa uuna inta badan dagaalkooda salka ku hayaa arimo qabiil iyo arimo kale.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -