Kooxda Al-Shabaab Oo Heshiis Laba Sano Ah La Gaartay Somalia

Xidig u dhashay dalka Brazil balse wata magaca Somalia ayaa ku biiray kooxda Al Shabaab ee ka ciyaarta dalka Sacuudiga, magaca uu ciyaaryahankan wato iyo kooxda uu ku biiray ee Al Shabaab ayaana hadal heyn badan dhalisay.

Ciyaaryahankan Magaciisa oo buuxa waa Wergiton do Rosario Calmon, balse waxaa lagu naaneesaa ama loo yaqaan Somalia, waxa uuna heshiis labo sano ah xidigan u saxiixay kooxda Al Shabaab ee ka dhisan Sacuudiga.

Kooxda reer France ee Toulouse ayaa xaqiijisay in xiddigeedii khadka dhexe ee reer Brazil Somalia uu ku biiray kooxda reer Sacuudi ee Al-Shabaab kadib markii ay kansaleen heshiiskii halka sano ahaa oo kooxdaas ugu haray.

29-jirkaan heerka caalami ee dhalashadiisa tahay Brazil ayaa heystay heshiis hal sano ah, balse wuxuu isaga tagayaa garoonka Stade Municipal kadi saddex sano oo uu kooxdaas la qaatay.

Ciyaaryahanka Somalia wuxuu u saftay kooxdiisa tiro kulamo aan ka yareyn 84 kulan kulamada horyaalka heerka koowaad ee dalka France, balse markaan wuxuu soo aaday qaaradda Asia gaar ahaan Sacuudiga.

 

Dad badan oo baraha bulshada uga hadlay magaca Ciyaaryahankan uu wato iyo kooxda Al Shabaab uu ku biiray oo iyana Soomaaliya ka dagaalanta ayaa dhalisay hadal heyn iyo in aragtiyo kala duwan looga dhiibto baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -