Allbanaadir.com
NEWS

Meyd la karfanay oo laga helay goob ganacsi iyo dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa galabta nin aan la ogeyn waxa uu yahay ku dilay degmada Dharkenley ee gobolkan Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan oo watay Mooto Bajaaj ay ninka la dilay ka soo wateen xaafado kale ayna ku toogteen meel u dhow Xerada barakacayaashu degan yihiin ee Badbaado.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka ninkan iyo cida ka dambeysay, waxaan meydkiisa oo la aqoonsan waayey la geeyey xarun ay halkaas ku leeyihiin ciidamada amaanka.

Dhinaca kale, Meydka qof la karfanay ayaa laga helay goob ganacsi oo ku taalla Suuqa degmada Xamar-weyne gaar ahaan agagaarka kawaanka Hilibka.

Arintan oo dadka reer Xamar weyne ku noqotay la yaab iyo fajac ayaa waxaa ka war helay ciidamada Booliska degmadaas oo goobta ganacsiga ka soo saaray meydka iyagoo haatan baaraya qofka uu ahaa iyo sababta ka dambeysa geeridiisa.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo xiray Wiil la sheegay inuu lahaa goobta ganacsiga ee meydka laga helay iyo hooyadiis, waxaana socda baaritaano ku saabsan dhacdadan oo dad badan isweydiinayaan sababta ka dambeysa iyo waxa ay salka ku heyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacabka Gaza oo si cajiib ah uga falceliyay Warqado ay daadiyeen ciidamada Israel

Cabdi Cade

Caruur labo cisho ka hor la waayey oo meydadkooda laga helay degmada Galdogob

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo Daah-furay Mashruuca biyo balaarinta Hargeysa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---