Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil katirsan Al Shabaab oo goob fagaare ah kula ciiday dad Shacab ah (Sawirro)

Deegaannada iyo degmooyinka ay dalka ka joogaan kooxda Al Shabaab ayaa maanta si weyn looga ciiday, waxaana saraakiil iyo dagaalyahano badan oo katirsan kooxdaasi goobo fagaare ah kula dukadeen dad shacab ah.

Magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe ayaa kamid ah goobaha sida weyn maanta looga ciiday, waxaana fagaare kuyaalla magaaladaasi kuwada dukaday saraakiil katirsan kooxda Al Shabaab iyo dad badan oo shacab ah.

Saraakiisha Al Shabaab ee shacabka fagaaraha kula dukaday waxaa kamid ahaa Sheekh Max’med Abuu Cabdalla oo ah guddoomiyaha cusub ee Al Shabaab u magacawday gobolada Jubooyinka.

Fagaarayaasha lagu ciiday qaarkood ayaa Al Shabaab kusoo bandhigeen mahrajaano iyo dhoolo tusyo ay sameenayeen dagaalyahanadooda, waxaa sidoo kale goobahaasi isugu soo baxay carruur badan oo astaanta Al Shabaab madaxyada loogu xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo si kulul uga hadlay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

Caydiid Ali

Yaa diidan Maxaase loo diiday in Madaxwayne Cali Guudlaawe cagta saaro Magaalada Baladwayne !!

admin

Farmaajo oo balan uga baxay Qaar kamid ah Musharaxiintii uu la tartamay (Maxaa lagu balamay)

admin
Taboola Ads ---