Diyaarad Dagaal oo duqeyn aan ku tala gal aheyn ka geesatay magaalada Belgorod

Mid kamid ah diyaaradaha dagaalka dowladda Ruushka ayaa duqeyn aan ku tala gal aheyn ka geesatay magaalo kutaalla dalkaasi, waxaana duqeyntan la sheegay in ay ka dhalatay khasaarooyin kala duwan .

Diyaarada nuuca dagaalka ee tirsigeedu yahay Su-34 ayaa gantaal ku dhufatay magaalada Belgorod oo kutaalla xuduuda ay wadaagaan Ruushka iyo Ukraine, waxaana gantaalkan uu ku dhacay meel aan ka fogeyn bartahamaha magaalada.

Guddoomiyaha gobolka Vyacheslav, Gladkov ayaa sheegay in duqeynta ku dhacday goob aan dad badan joogin, waxa uuna xusay in gantaalka uu qotay got dheeer oo gaaraya ilaa 20- mitir.

Waxa uu xaqiijiyay gobolka duqeynta ka dhacday in saddex qof ku dhaawacmeen gantaalka kasoo dhacay diyaarada dagaalka Ruushka, waxa uu sidoo kale duqeynta ay ku bur bureen guryo aan badneen.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa xaqiijisay duqeynta ka dhacday magaalada Belgorod, waxa ayna wasaaraddu tilmaantay in duqeyntu aheyd mid si qalad ah ku dhacday ayna ka xun yihiin, iyagoo tilmaamay in baaritaano socdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -