Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Abiy oo ka hadlay Dagaal dhax maray Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Sudan

Dagaal ayaa la sheegay in uu dhax maray ciidamada ilaalada xuduudaha dalalka Itoobiya iyo Sudan, xilli dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo kuwa gurmadka deg dega ee Sudan ka socdo magaalada Khartuum.

Warbaahinta qaar ayaa tilmaantay in dagaalka yimid kaddib markii ciidamada Itoobiya weerar ku qaadeen ciidamada Sudan ee ku sugan xaduuda gobolka lagu muransan yahay ee Al-Fashaga.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku beeniyay in ciidamada Itoobiya weerar ku qaadeen ciidamada Sudan, waxa uuna ku tilmaamay kuwa warkaasi faafiyay kuwa dano siyaasadeed oo gaar ah leh.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa eedeymahan loogga dan leeyahay in lagu xumeeyo xiriirka wanaagsan, iyo derisnimada ka dhexeysaa dalalka Itoobiya iyo Suudaan,” ayuu Mr Abiy ku yiri qoraal uu ku soo saaray luqadda Carabiga barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Sudan ayaa marar badan dagaalo ku dhax mareen gobolka beeraha caanka ku ah labada dal isku heestaan ee Al-Fashaga, waxaana Itoobiya lagu eedeeyay in xilligan iyada oo dagaalka socda ka faa’iideesaneysa ku duushay Gobolkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin dil iyo dhaawac u geestay labo wiil uu Abti u ahaa iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Cabdikariin Guuleed oo Eedeymo ka difaacay Ra’isul Wasaare Rooble amaana u jeediyay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo shir muhiim ah uga qeyb galay Munich

Cabdi Cade
Taboola Ads ---