Farmaajo oo balan uga baxay Qaar kamid ah Musharaxiintii uu la tartamay (Maxaa lagu balamay)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in balamo uu la galay qaar kamid ah Musharaxiintii uu xilka Madaxweynaha kula tartamay uga baxay, kadib markii uu doorashada ku guuleestay.

Mid kamid ah Musharaxiintii Doorashada kula tartamay Madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Dr. Saciid Ciise Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Madaxwenaha albaabada ka xirtay balamo uu la galayna uga baxay Musharaxiintii Isbadal doonka ahaa.

Waxa uu sheegay Dr Siciid Ciise in iyaga oo dhoor Musharax oo Isbadal doon ahaa ku heshiiyeen in qof walba oo iyaga kamid ah oo guuleysta uu talada dalka wax ka siinayo musharrixiinta kale.

Waxa uu xusay in Farmaajo uusan noqon sidii ay moodayeen iyo si u dhaw, waxa uuna tilmaamay in uu uga baxay  bilamihii la galay uuna albaabada ka xirtay markii uu Kursiga Madaxweynaha ku guuleestay.

Dr. Saciid Ciise Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo markii uu guuleestay uu iska hilmaamay Musharaxiintii garabka ku siiyay guushiisa, waxa uuna intaa raaciyay in Farmaajo door biday xilalna ku safay dadkii olalaha Doorashada u waday.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa xiligan wajaheysa mucaaradad uga imaaneysa Siyaasiyiin iyo Xildhibaano dowlada katirsan, dadka Mucaaradsan  ayaana la sheegay in ay u badan yihiin kuwa uu balamo uga baxay ay ku jiraan Musharaxiintii uu ka guuleestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -