Ciidamada Nabad sugida oo Muqdisho ku qabtay rag katirsan Al Shabaab

Howlgal ciidamada Nabad sugida Soomaaliya ka fuliyeen magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir ayaa la sheegay in lagu qabtay labo nin oo katirsan dagaalyahanada Al Shabaab.

Qoraal lagu baahiyay barta Twitterka ay ku leedahay NISA ayaa lagu sheegay in howlgal gaar ah ay ciidankooda ka fuliyeen habeen hore degmada Wadajir lagu qabtay labo shaqsi oo katirsanaa Al Shabaab oo ku dhuumaaleesanayay degmada Wadajir.

Howlgalka ay fuliyeen ciidanka Nabad sugida ayaa la sheegay in uu ahaa mid amaanka lagu xaqiijinayay, waxaana Qoraalka kasoo baxay NISA lagu xusay in uusan khasaare ka dhalan intii uu howlgalku socday.

Ciidamada Nabad sugida ayaa xiliyada qaar magaalada Muqdisho ka fuliya howlgalo qarsoodi ah ay kusoo qabtaan xubno lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin dagaalyahanada Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -