Dowlada Turkiga oo si weyn loogu dhaleeceeyay Dhaqaalo ay ku taageertay Soomaaliya

Kadib, markii ay Dowladda Turkiga ku dhawaaqday inay DFS ugu yaboohi doonto lacag sanadeed dhan 30 million oo Dollar waxa uu Xisbiga Mucaaradka ee ugu weyn dalkaasi ee Xisbiga Shacabka Jamhuuriga (Republican People’s Party) ee (CHP) si kulul u naqdiyeen Yaboohaasi.

Afhayeenka Xisbiga CHP, Fa’ik Öztrak waxa uu tilmaamay in Dowladda Turkiga ku qaldan tahay inay Somalia siiyaan Lacagtaasi, iyadoo ay weli jirto Khatarta Kaymaha ku gubanayo Goballo ku yaalla Koonfurta dalkaasi.

“Kuwaasi awoodi la’ inay bixiyaan kharaj dhan 4 million oo Dollar oo loogu talagalay Diyaaradaha Dab-damiska ayaa waxay go’aansadeen inay Somalia u diraan 30 million oo Dollar !!!?” ayuu yiri Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee CHP, oo dulucda hadalkiisa ku wajahnayd Dowladda Madaxweyne Erdogan.

Waxa uu sii raaciyey in ay mudnaanta Koowaad ahayd in la hagaajiyo Diyaaradaha Dab-damiska oo u baahan xaddiga lacagta la siinayo Somalia, waa sida uu hadalka u yri.

Horey ayey Mas’uuliyiinta Hay’adda Duullimaadka ee Turkiga u shaaciyeen inay Diyaarado nooca Dab-damiska ay Matoor la’aan u fadhiyaan Garoonka Diyaaradaha ee Ankara, una baahan yihiin 4 ilaa 5 million oo Dollar, si ay dib ugu hawlgalaan.

Afhayeenka waxa kale oo uu cambaareeyey 14 million oo uu Madaxweyne Erdogan ansixiyey, si Qasri Madaxtooyo looga dhiso Jesiiradda kala-qeybsan ee Waqooyiga Qubrus oo ay dad Turkish ah ku nool yihiin.

Dhinaca kale, Afhayeenka Xisbiga CHP, Fa’ik Öztrak Sabtidii hore soo dhigay Twitter-kiisa labo Muuqaal Video oo muujinaya Madaxweyne Erdogan oo Shaah ku sayrinayo dadweyne ku sugnaa deegaanadda uu dabku halakeeyey, balse, ma jiraan Ilo madax-banaan oo xaqiijinayo run ahaansahaha Muuqaalladaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Turkiga oo jaal dhow la ah DFS, waxay dhawaan sheegtay inay DFS bil kasta ugu deeqi doonaan 2.5 million oo Dollar oo wadarta guud ee sanadkiiba noqonayso 30 million oo Dollar, iyadoo Kharajkaasi dabagal lagu samayn doono qaabka loo isticmaalayo.

Turkiga waxay Saldhig Milliteri ku leeyihiin magaalladda Muqdisho oo lagu tababaro Ciiddamadda DFS, halka kuwo kale Tababar loogu qaado dalkaasi.

- Advertisement -